Xiddiga Real Madrid Kylian Mbappé ayaa Talaadadii ka falceliyay qoraal uu soo dhigay Vini bartiisa Instagram si uu taageero ugu muujiyo saaxiibkiis Vinícius Jr.
Tani waxay timid kadib markii Mbappe uu ka mashquulay xafladdii ka dhacday Paris. Mbappe ma uusan u muujin saaxiibkiis Vini wax taageero ah illaa talaadadii.
Vinícius, oo muddo dheer loo arkayay inuu yahay kan ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa si lama filaan ah looga qaaday abaalmarinta, waxaana loo gacan geliyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City, Rodri.
Kooxda Real Madrid, oo go’aan ka qaadatay arrinta, ayaa dooratay inay qaadacdo xafladda Ballon d’Or ee ka dhacday Paris.
Xubno badan oo ka tirsan kooxda Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale baraha bulshada ugu hambalyeeyay Vinícius si ay ugu muujiyaan taageero habeenkaas.
Laakiin xiddigga aan wax hadal ah ka soo saarin xaaladda “Kubadda Dahabka” wuxuu ahaa Kylian Mbappé.
Iyadoo la isla dhexmarayo in aamusnaanta Mbappé ay sabab u tahay inuusan taageerin sheegashada saaxiibkiis ee abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, ayuu xiddiga cusub ee Madrid Talaadadii u dhaqaaqay inuu qoraal emoji ah ku caddeeyo xaaladda.
Taageerayaasha qaar ayaa aaminsan in Mbappe u arko Vini mid ay wada gali doonaan tartan mustaqbalka dambe.