Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa wajihi doona go’aanno waaweyn oo ku aaddan mustaqbalka lix ciyaaryahan marka uu la wareego talada garoonka Old Trafford, iyadoo qandaraasyada dhowr xiddig oo ka tirsan kooxda koowaad ay ku eg yihiin dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Sida uu ku warramay wargeyska Manchester Evening News, Bruno Fernandes, Lisandro Martinez, Harry Maguire iyo Luke Shaw ayaa ka mid ah xiddigaha heshiisyadoodu dhacayaan xagaaga soo socda.
United ayaa qandaraasyada Fernandes, Martinez iyo Maguire ku leh qodob u ogolaanaya inay min 12 bilood oo dheeraad ah ku kordhiso joogitaankooda, iyadoo Maguire uu bishii Abriil saxiixay heshiis hal sano ah oo leh ikhtiyaar sanad kale ah.
Kabtan Fernandes ayaa durbaba iska diiday laba dalab oo qandaraas kordhin ah, wuxuuna ka fiirsan karaa inuu baxo xagaaga maadaama kooxdu ay ku dhibtoonayso horyaalka Premier League isla markaana ay halis ugu jirto inay seegto Champions League, inkastoo maamulku ay weli ku xasilloon yihiin wadahadallada.
Dhanka kale, Luke Shaw ayaan heshiiskiisa ku jirin wax qodob oo qandaraas kordhin ah, taas oo la micno ah in kooxdu ay ku qasban tahay inay qandaraas cusub kala xaajooto haddii ay doonayso inay sii haysato. Shaw oo Old Trafford ku sugnaa muddo 12 sano ah tan iyo markii uu 2014-kii 30 milyan oo gini kaga soo biiray Southampton, ayaa xilli-ciyaareedkan dhaawac ku seegay 10 kulan, balse xiriirkii hore ee uu Pochettino kula soo yeeshay Southampton ayaa saameyn ku yeelan kara go’aanka mustaqbalkiisa.
Labada ciyaaryahan ee kale ee qandaraasyadoodu dhacayaan ayaa ah daafaca da’da yar ee akadeemiyadda, Harry Amass, iyo goolhaye Tom Heaton. Inkastoo United ay heshiiska Amass ku kordhin karto 12 bilood, haddana da’yarkan ayaa ka fiirsanaya inuu bisha Janaayo ka tago kooxda si uu u helo boos joogto ah ka dib markii loo diiday inuu amaah ku baxo xagaagii hore, halka xaaladda Heaton dib loo eegi doono dhammaadka ololahan.