Kooxaha horyaalka Sucuudiga ayaa doonaya inay la saxeexdaan kubbad burburiyaha Manchester United iyo xulka Brazil ee Casemiro iyo kabtanka Man United ee Bruno Fernandes oo ah 29 jir reer Portugal ah. (Telegraph)
Arsenal ayaa waxa ka tegi doona difaaca da’da yar ee Ruell Walters oo ah 19 jir, kaas oo qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Athletic)
Real Madrid waxa ay wali xiisaynaysaa difaaca boosaska badan ka dheela ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold, iyadoo 25 jirkan reer England uu qandaraaskiisa Anfield ka hadhsan yahay sannad kaliya. (Fabrizio Romano)
Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa rajaynaya in uu tababare u noqdo dhamaan saddexdiisii kooxood ee Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich, laakiin waxa aanu hubin waqtiga ay noqonayso. (Abendzetung)
Bayrn Munich waxa ay doonaysaa tababaraha Crystal Palace ee Olvier Glasner, laakiin waxa ay ogsoon yihiin in kooxda horyaalka Premier League ay lacag badan dalbadan doonto, taasina waxay ku riixaysaa inay joojiyaan qorshahooda. (Bild)
Napoli waxa ay dib wada-hadallo ula furtay tababare Antonio Conte oo ay doonayaan inuu hoggaamiyo xilli-ciyaareedka dambe, sidoo kalena waxa ay rajaynayaan inuu hoos u dhigi doono mushaharka badan ee uu dalbanayo, halka sidoo kalena lala xidhiidhinayo AC Milan. (II Mattino)
Halyeyga reer Spain ee Sergio Ramos oo 38 jir ah ayaa wada-hadallo meel fiican maraya kula jira kooxda San Diego FC oo horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS ka ciyaarta. (Athletic)
Difaacii hore ee Arsenal iyo Chelsea ee Ashley Cole oo 43 jir ah, ayaa waxa doonaya tiro kooxo horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship-ka ah oo doonaya inuu tababare u noqdo. (Mirror)
Chelsea waxa ay doonaysaa inay isku xoojiso weeraryahan dhexe, difaac bidix iyo difaac dhexe marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu. (Telegraph)