Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Bernardo Silva ayaa isaga oo cadhaysan ka hadlay farqiga u dhexeeya kooxda Arsenal ee ay shalay barbarraha ku kala baxeen iyo Liverpool.
Bernardo Silva ayaa waxa uu qaatay kaadh digniin ah intii ay socotay ciyaartii Manchester City iyo Arsenal ee Axaddii, sidoo kalena waxa uu garoonka ka baxay isaga oo cadhaysan oo la arkayey in aanu ku faraxsanayn xataa goolkii ay kooxdiisu daqiiqaddi 98aad dhalisay ee uu u saxeexay John Stones iyadoo siidhiga dhamaadka afka lagu hayo.
Silva ayaa la hadlay warbaahinta kaddib ciyaartaas, ayaa waxa la weydiiyey farqiga u dhexeeya kooxdiisa Manchester City iyo labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool, waxaanu ku jawaabay: “Sababtu waa in Liverpool ay ku guuleysatay Premier League, Arsenal-na aanay ku guuleysanin. Liverpool, waqtigaas waxa kale oo ay ku guuleysatay Champions League, halka aanay Arsenal ku guuleysanin. Liverpool mar walba waa koox nala tartanta oo u dagaallanta inay naga guuleysato.
“Marka laga eego dhinacaas, ciyaaraha aanu la dheelno Arsenal ma ahayn kuwo sida Liverpool oo kale ah [gaadhsiisan heerkaas], illaa haddana ma aha.”
Bernardo Silva oo wax laga weydiiyey ciyaartii Arsenal ee shalay ayaa sidoo kale yidhi: “Kooxdayadu waxay u timid in ay kubadda ciyaarto, kooxda kalese waxay u timid inay annaga uun na xakamayso, nasiib-darro garsooruhuna wuu u ogolaaday inay sidaa sameeyaan.”