Bayern Munich ayaa heysata hub qarsoodi ah oo ay u adeegsaneyso inay soo xerogelinta Xabi Alonso ka dulqaado Liverpool.
Iyadoo haatan la galayo bilihii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka, mustaqbalka tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa ah mid si weyn loo hadal hayo.
Waxaana u sabab ah in kooxdiisa ay ku dhow dahay inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga iyo sidoo kale xaqiiqda ah in lala xiriiriyay kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool.
Liverpool ayaa raadineysa bedelka Jurgen Klopp kaasoo bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, Thomas Tuchel ayaa isna shaaciyay inuu isaga tagayo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alonso ayaa lala xiriiriyay labada kooxood madaama uu shaqo fiican ka qabtay kooxda Bayer Leverkusen oo wacdarro dhigeysa xilli ciyaareedkan.
Suxufiga Jarmalka ah Christian Falk ayaa sheegay in Bayern Munich ay heysato hub qarsoodi ah oo ay ku soo jiidan karto Xabi Alonso.
Waxa uu qoray: “Ma ahan wax qarsoon in Xavi Alonso uu yahay musharaxa ugu sareeya ee bedelka Jurgen Klopp. Laakiin Bayern Munich waxay sidoo kale u aragtaa bartilmaameeedkooda koowaad.
“Xaqiiqda ah in Tuchel loo ogolaaday inuu shaqada sii joogo ilaa iyo xagaaga ayaa muujineysa in Bayern ay sugeyso Alonso.
“Madaxda Bayern Miunich kalsooni buuxda ayay qabaan sababtoo ah ilaa iyo haatan waxay heleen tababare walba oo ay doonayeen, xitaa Pep Guardiola.
“Hubkooda qarsoodiga ah waa madaxoodii hore Karl-Heinz Rummenigge. Sababtoo ah Rummenigge waxay aad isagu dhow yihiin Alonso, waxaana loo arkaa inuu yahay la taliyaha tababaraha reer Spain. Sidaasi darteed Liverpool tartan rasmi ah ayay geli doontaa.”