Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay sameyso ugu yaraan hal iib weyn xagaaga si ay u dheellitirto miisaaniyaddooda ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda reer Catalonia ayaa la kulantay dharbaaxo dhaqaale horaantii bishan kadib markii La Liga ay go’aansatay in la dhimo xadka mushaarka ee sanadka 2025/26, iyadoo laga reebay iibka kuraasta VIP-ga ah ee €100 milyan ahaa.
Barcelona oo rajeyneysa inay sare u qaaddo xadka mushaharka, ayaa haatan ku shaqeyn doonta siyaasadda 1:1 ee suuqa kala iibsiga, taasoo la micno ah in lacagta ay kharash garaynayaan ay tahay mid si cad u soo xarootay.
Wadahadallada heshiis kordhinta ee xiddigaha Wojciech Szczesny iyo Lamine Yamal ayaa la filayaa in la hakiyo ilaa iyo inta ay kooxda ka helayso dakhli weyn oo ka yimaada iib ciyaaryahan, sida ay ku warameen Relevo.
Tani waxay ka dhigan tahay in tababaraha cusub Hansi Flick laga yaabo in uu iska diro ciyaaryahan muhiim ah si uu u sugo xasiloonida dhaqaalaha, isla markaana uu u helo miisaaniyad uu ku sameeyo saxiixyo cusub xagaaga.
Warar cusub ayaa tilmaamaya in magaca ugu weyn ee laga yaabo in la iibiyo uu yahay daafaca muhiimka ah Ronald Araujo, maadaama uu leeyahay qiime suuqeed oo sarreeya.
Bishii Janaayo, Araujo wuxuu u muuqday mid ka tegaya Barcelona, balse si lama filaan ah ayuu heshiis cusub u saxiixay. Si kastaba ha ahaatee, qodobada yar-yar ee heshiiskaas ayaa sheegay in la dhimay lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa, taasoo haatan lagu sheegay €65 milyan – iyadoo Barca ay rajeyneyso in lacagtaas la bixiyo xagaagan, balse ay tahay mid waqti xaddidan.
Sida ay sheegtay Relevo, qiimahaas la dhimay ayaa ansax ah ilaa 16-ka July, markaas kadibna wuxuu dib ugu noqonayaa in ka badan €1 bilyan.
Si ay u helaan ciyaaryahan ay doonayaan iyo inay iska diraan Araujo, Barcelona ayaa ka fiirsaneysa in ay Liverpool la galaan heshiis is-weydaarsi oo ay ku doonayaan Luis Diaz.
Kooxda reer Catalonia ayaa si cad u daneynaysa weeraryahanka xulka Colombia, balse ma awoodi karaan inay si toos ah uga bixiyaan lacagta uu ku kacayo.
Weli lama oga in heshiiska Araujo iyo Diaz uu noqon doono is-weydaarsi toos ah oo aan lacag ku jirin, balse hubanti la’aanta ku saabsan mustaqbalka Virgil van Dijk ee Liverpool ayaa keentay in Arne Slot uu raadin karo hoggaamiye cusub oo daafaca ah xilli ciyaareedka soo socda.