Kooxda Aston Villa ayaa si geesinimo leh u wajahday Paris Saint-Germain (PSG) kulankii lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League, balse ugu dambeyn waxaa laga reebay tartanka kaddib markii guud ahaan labada lug looga badiyey 5-4.
Kulankii ka dhacay Villa Park, PSG ayaa si degdeg ah u hoggaamisay ciyaarta iyadoo Achraf Hakimi iyo Nuno Mendes ay dhaliyeen labo gool 30-kii daqiiqo ee hore, taasoo keentay in PSG ay si buuxda gacanta ugu dhigto ciyaarta iyagoo guud ahaan hogaanka ku haya 5-2.
Si kastaba ha ahaatee, Villa ayaa muujisay adkaysi iyo kalsooni, waxaana Youri Tielemans uu dhaliyay gool kahor nasashada. Intaa kaddib, kabtanka kooxda John McGinn ayaa dhaliyay gool cajiib ah oo uu ka toogtay 30-yard, halka daafaca Ezri Konsa uu isna ku daray gool saddexaad.
Inkastoo Villa ay si xoogan u weerartay qeybtii dambe ee ciyaarta, PSG ayaa si xirfad leh u difaacatay, iyadoo daafaceeda Pacho uu sameeyay badbaadin muhiim ah daqiiqadihii ugu dambeeyay si uu uga horjoogsado Ian Maatsen inuu keeno goolka afaraad.
Aston Villa waxay guusha habeenkan u ahayd mid sharaf leh, balse PSG ayaa ugu dambayn u gudubtay wareegga afar dhammaadka Champions League iyagoo ka faa’iideystay natiijada guud ee labada lug.