Kooxda Atletico Madrid ayaan bartilmaameedsanaynin xiddiga khadka dhexe ee Martín Zubimendi ka hor suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, iyadoo la soo warinayo in Arsenal ay ku doonayso lacag ka badan 70 milyan oo Yuuro.
Sida uu sheegay wariyaha wargeyska Marca, Matteo Moretto, qiimahaas ay dalbanayso kooxda reer England ayaa ka dhigaya heshiiska mid aan dhanka dhaqaalaha u suurtageli karin Atletico, kuwaas oo aan haatan ka fiirsanaynin inay u dhaqaaqaan xiddigan heerka caalami ee dalka Spain.
Arsenal ayaa sidoo kale go’aansatay inay sii haysato Zubimendi inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay xiisaynayso kooxda Chelsea. Sidaas darteed, Gunners ma saarna wax cadaadis ah oo ku qasbaya inay ka xaajoodaan bixitaankiisa inta lagu guda jiro suuqa jiilaalka.
Moretto ayaa xogtan ku shaaciyay barnaamijka DAZN Spain toddobaadkii hore, isagoo meesha ka saaray mugdigii ku xeernaa mustaqbalka ciyaaryahankan.