Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa sheegay in hal arrin oo kaliya ay Arsenal ugu guulesyan karayso tartanka horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana uu kula taliyey Mikel Arteta inuu raaco dariiqaas si ay kooxdiisu usoo afjarto abaarta horyaalka Premier League ka haysata ee 20 jirsatay.
Gunners ayaa hoggaaminaysa horyaalak Premier League oo ay ugu dambaysay inay ku guuleysato sannadkii 2004, waxaana ay fursad fiican u haystaan sannadkan, balse waxa jirta cabsi ah in ay dhacdo sidii sannadkii hore oo kale oo ay waqti dambe is-dhiibeen isla markaana horyaalka ay u hanneeyeen Manchester City, inkasta oo ay 248 maalmood hoggaanka hayeen.
Horyaalka oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, waxa dad badan ay ka baqayaan in Arsenal ay kasoo kaban weydo guul-darro kasoo gaadha Man City, waxaana dadkaas ka mid ah halyeyga Manchester United ee Gary Neville.
Isaga oo ka hadlatey The Overlap, ayaa waxa uu Gary Neville in sida kaliya ee ay Arsenal ugu guuleysan karayso horyaalka Premier League ay tahay in Axadda ay ka badiyaan Manchester City, si ay niyadda ciyaartoydoodu u xoogaysato isla markaana iskaga reebaan City.
“Arsenal waa in ay uuleysato Axadda, si ay ugu guuleysato horyaalka.” Ayuu yidhi Gary Neville, waxaanu ku daray: “Waad qiyaasi kartaa in City ay noqon doonto kooxda awoodda badnaata, sababta aan u leeyahay waa in ay Arsenal badiso ciyaartanna waa in aanay ii muuqanin koox kale oo dhibco ka qaadan karaysa City.
“Dabcan waa kubbad cag oo dhibco waa la luminayaa, City niyad-jab ayay ku noqon doontaa barbarruhu laakiin si aad u dhaawacdo waa in aad ka badisaan.”