Arsenal Oo Dejisay Qorshe Weyn Ay Vinicius Junior Gacanta Ugu Dhigeyso Suuqa Xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa qabta kalsooni dhab ah oo ku aaddan inay la soo wareegi doonto weeraryahanka kooxda Real Madrid, Vinicius Junior, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee xagaaga 2027, sida ay sheegayaan warbixinnadu.

Gunners ayaa xagaagii hore la soo saxiixatay Christos Tzolis ka dib markii ay iska fasaxeen Leandro Trossard, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli, balse waxay ku guuldarraysteen isku daygoodii ahaa inay keenaan xiddigo weyn oo ay ka mid ahaayeen Morgan Rogers, Julian Alvarez iyo Vinicius.

Wakiilka Vinicius, Michael Yormark, ayaa bishii Oktoobar u sheegay SportsBoom in 26 jirkan reer Brazil uu si dhab ah uga fiirsaday dalabkii xoogganaa ee Arsenal ka hor inta uusan qandaraas cusub u saxiixin Real Madrid, halkaas oo uu joogay tan iyo markii uu 18 jirka ahaa uuna doonayo inuu ku dhammaysto waayihiisa ciyaareed. Agaasimaha Roc Nation, Grant Veitch, ayaa isaguna xusay in qiimaha iyo maqaamka uu ku leeyahay Madrid ay ku qasabtay inuu sii joogo.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Football Transfers ayaa ku warramaysa in tababare Mikel Arteta uusan weli ka quusan saxiixa Vinicius.

Ilo-wareedyo ku dhow kooxda waqooyiga London ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiinta sare ee Arsenal ay si weyn u aaminsan yihiin in imaatinka laacibkan uu yahay mid ku xiran waqti oo keliya, ayna suurtagal tahay inuu ku soo biiro xagaaga soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular