Tababaraha kooxda kubadda cagta PSG ee Luis Enrique ayaa shaaciyey kooxda uu doonayo in xilli-ciyaareedkan ay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay ku loollamayaan kooxaha Manchester City, Arsenal iyo Liverpool.
Arsenal ayaa hoggaaminaysa horyaalka Premier League, waxaanay farqiga goolasha kaga horreysaa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, hase yeeshee waxa ay toddobaadka dambe la dheeli doonaan Manchester City oo ay marti ugu noqon doonaan Etihad Stadium.
Toban ciyaarood oo ka hadhsan horyaalka, waxa ay Arsenal waajihi doontaa Man City, Chelsea, Aston Villa, Tottenham iyo Manchester United, taas oo ka dhigaysa kooxda ay kulamada ugu adag sugayaan.
28 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay dheeshay ayey Arsenal guuleysatay 20 ka mid ah, waxaana dad badan ay u saadaalinayaan inay ku guuleysan doonto horyaalka oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004, balse ciyaaraha u hadhay ayaa rajo fiican siinaya naadiyada kale ee Liverpool iyo Man City.
Si kastaba ha ahaatee, Luis Enrique oo la weydiiyey kooxda uu la jeclaan lahaa horyaalka Premier League ayaa yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in Mikel Arteta uu kula guuleysto Arsenal. Haddii kale, waa in uu Pep Guardiola qaato, haddii ay noqon weydo, Unai Emery ha kula guuleysto Aston Villa.”
Jawaabta Luis Enrique oo nuxurkeedu yahay inuu la doonayo koobka inuu ku guuleysto tababare reer Spain ah, ayaa waxa kale oo la weydiiyey naadiga ugu cadcad ee uu saadaalinayo, waxaanu ku jawaabay: “Waxay ila tahay in Manchester City ay ku guuleysan doonto. Iyaga ayaa ah kooxda ugu cadcad aniga fikirkayga.”