Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in kooxdiisu ay sameysay “khaladaad badan” intii lagu guda jiray guuldarradii 4-1 ahayd ee ay kala kulmeen Newcastle United Axaddii.
Red Devils ayaa la kulantay guuldarradoodii 14aad ee xilli ciyaareedka Premier League xilli ay marti u ahaayeen St James’ Park.
Sandro Tonali ayaa Newcastle u furay goolka, halka Alejandro Garnacho uu barbarreeyay ciyaarta.
Si kastaba, laba gool oo uu dhaliyay Harvey Barnes iyo mid uu raaciyay Bruno Guimarães ayaa Newcastle u xaqiijiyay guul weyn.
Ruben Amorim oo la hadlay warbaahinta ciyaarta kadib ayaa yiri:
“Khaladaad badan. Newcastle waxay ku xoog badnaayeen ciyaarta marka la eego qeybtii labaad. Waxaan sameynay khaladaad badan oo ciyaarta nagu adkeeyay. Taasi waa sababta.”
“Waxyaabo badan wey jireen. Way adag tahay in farta lagu fiiqo hal sabab. Aad bay u adag tahay in laga badiyo kooxaha waaweyn sida Newcastle. Marka aad khaladaad sameyso oo aad caawiso kooxda kaa soo horjeeda, way sii adkaaneysaa. Aan diirada saarno ciyaarta Khamiista.”
“Waxaad arki kartaa in aan si ka wanaagsan u ciyaari karno. Taasi waa muhiim. Khaladaadkii aan sameynay maanta Khamiista lama ogola in aan ku celino.”