Alisson Becker Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Goolhayaha kooxda Liverpool, Alisson Becker, ayaa xaqiijiyay in wakiilkiisu uu wadahadallo kula jiro maamulka naadiga si uu u kordhiyo qandaraaskiisa, isagoo muujiyay sida uu ugu hamuun qabo inuu ku sii sugnaado garoonka Anfield wixii ka dambeeya xilli-ciyaareedkan.

Goolhayaha reer Brazil oo hadlayay ka dib guushii 3-1 ahayd ee ay Liverpool Axaddii ka soo gaartay Crystal Palace, ayaa cadeeyay in isaga iyo qoyskiisuba ay ku faraxsan yihiin nolosha gobolka Merseyside.
“Haa, maskaxdayda waxaa ku jirta inaan sii joogo. Waxaan diiradda saarayaa ciyaarista kulan kasta, laakiin niyaddayda waan ku faraxsanahay inaan baaqi ku sii ahaado kooxda.

Waxay ku xiran tahay arrimo badan iyo xaalado kala duwan, balse rabitaankaygu waa inaan joogo. Waan ku faraxsanahay halkaan, qoyskayguna sidoo kale way ku faraxsan yihiin,” ayuu yiri Alisson.

34 jirkan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inuu weli u gaajoonayo ku guuleysiga koobab, uuna doonayo inuu ka sii ciyaaro heerka ugu sarreeya inta ugu badan ee suurtagalka ah.
Wuxuu intaas ku daray: “Weli waxaan u oomanahay koobab iyo inaan soo bandhigo ciyaar wanaagsan. Waxaan rabaa inaan ka sii ciyaaro heerka ugu sarreeya inta aan awoodo, sidaas darteed wakiilkaygu wuxuu haatan la hadlayaa maamulka kooxda.”
Qandaraaska haatan ee Alisson ayaa dhacaya xagaaga 2027-ka, ka dib markii horey loogu kordhiyay muddo 12 bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular