Alejandro Balde, David Raum Iyo Nagida – Shanta Daafac Ee Manchester United Doonayso Janaayo

Kooxda Manchester United ayaa diyaarisay liis ka kooban shan daafac bidix oo ay doonayso inay ku xalliso dhibaatada dhanka daafaca bisha Janaayo, iyadoo xiddiga ay haatan bartilmaameedsanayaan ee Mahamadou Nagida lala barbar-dhigay xiddiga PSG ee Nuno Mendes.

Booska daafaca bidix ayaa madax-xanuun weyn ku noqday tababare Michael Carrick tan iyo markii uu Luke Shaw ku dhaawacmay kulankii Tottenham ee 10-kii Oktoobar. United ayaa booskaas ku tijaabisay Noussair Mazraoui, Ayden Heaven iyo Diogo Dalot, balse waxay muujiyeen baahida loo qabo daafac dabiici ah, taas oo keentay in agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox iyo Christopher Vivell ay dardar geliyaan raadinta ciyaaryahan cusub.

Sida uu ku warramay wariye Graeme Bailey, daafaca kooxda Rennes ee Mahamadou Nagida ayaa noqday dookh muhiim ah ka dib markii indha-indheeyayaasha United ay la dhaceen bandhiggiisii kulamadii Europa League ee ay la ciyaareen Juventus iyo Olympiacos. Xiddigan 21 jirka ah ee u dhashay dalka Cameroon ayaa xilli-ciyaareedkan sameeyay laba caawin shan kulan oo uu ku soo bilowday horyaalka Ligue 1.

Tababarihiisii hore, Frederic Antonetti, ayaa wargeyska L’Equipe u sheegay in Nagida uu xawaarihiisa, awooddiisa weerarka iyo lugtiisa bidix ee fiican uga egyahay Nuno Mendes, isagoo sidoo kale ku jira xiddigaha ugu sarreeya Ligue 1 dhanka kubad-jiidista, baasaska halista ah iyo difaacashada tooska ah.

Marka laga soo tago Nagida, liiska shanta ciyaaryahan ee Manchester United waxaa ku jira Alejandro Balde oo ka tirsan Barcelona, David Raum oo u ciyaara RB Leipzig, Joaquin Seys oo ka tirsan Club Brugge iyo Adrien Truffert oo u ciyaara Bournemouth.

Sidoo kale, da’yarka 19 jirka ah ee kooxda Racing Santander, Jorge Salinas, ayaa isna ku jira xiddigaha ay kooxdu u calaamadsatay mustaqbalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular