Ma rumaysan kartaa in ciyaartoyga ugu dheereeya kubadda cagta waqtigan uu ka ciyaaro horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, mase rumaysan kartaa in tobanka ciyaartoy ee ugu xawaaraha badan ay sagaal ka mid ah joogaan waddanka Ingiriiska oo ay horyaalka Premier League ka ciyaaraan?
Inkasta oo warbixin toddobaadyo ka hor lasoo saaray ay sheegtay, in difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger uu yahay ciyaartoyga ugu xawaaraha dheereeya kubadda cagta waqtigan, haddana xog kale oo ka dabaysay ayaa soo bandhigtay 30ka ciyaartoy ee ugu dheereeya, taas oo tobanka ugu sarreeya ay sagaal ka mid ah ka ciyaaraan Ingiriiska.
Difaaca kooxda kubadda cagta Tottenham ee Micky van de Ven ayaa noqday ciyaartoyga ugu dheereeya orodka ciyaartoyda kubadda cagta waqtigan, waxaana uu saacaddii jaraa 37.38 km/h, waxaana uu ka sarreeyaa Kyle Walker oo kaalinta labaad ku jira, halka Chiedozie Ogbene oo Luton Town ah, Pedro Neto iyo Dominik Szoboszlai ay kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad ku kala jiraan.
Antonio Rudiger oo ku jira kaalinta siddeedaad ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee tobanka sare kaga jira ciyaartooyo ka baxsan horyaalka Premier League.
Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee ugu orodka badan kubadda cagta: