Pochettino Oo Digniin Culus U Diray Ciyaartoyda Man United Kadib Guuldarradii 4-0 Ee Brentford

Tababaraha Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa u digay ciyaartoydiisa in weynaanta kooxdu aysan ka badbaadin doonin inay u dhacaan heerka labaad, ka dib markii ay badiyeen hal kulan oo keliya 12-kii kulan ee ay ciyaareen Premier League.

Isagoo la hadlayay saxaafadda ka dib guuldarradii 4-0 ee ka soo gaartay Brentford, Pochettino wuxuu yiri: “Waa inaan ogolaanno xaqiiqada. Haa, waxaan nahay Manchester United, laakiin kuma tiirsanaan karnk astaanta kooxda iyo taariikh keliya. Waa inaan kooxda naga soo horjeedda kula tartannaa dhinac walba, ka dibna aan ka fiicnaannaa si aan u badinno.”

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Fariinta aan ciyaartoyda u dirayo waa inay dareen lahaadaan. Waa inaan beddelnaa hab-fekerkeenna. Dadku waxay ka filayaan tababare 10 maalmood ka hor yimid inuu beddelo 25 ama 26 ciyaaryahan, taasina ma dhici karto.”

Pochettino ayaa diiday in eedda la saaro ciyaartoyda oo keliya, isagoo sheegay in xaaladdan ay u taallo kooxda oo dhan: “Dabcan waa inaan mas’uuliyadda qaadanno, laakiin ciyaartoydu waxay u baahan yihiin inay ciyaaraan oo ay dareemaan taageero. Waa ciyaartoyda aan haatan haysanno mana beddeli karno hadda.”

Ugu dambayn, wuxuu xusay suuqa kala iibsiga: “Waxaa laga yaabaa in suuqa kala iibsiga aan saameyn ku yeelanno. Waan qiimaynaynaa xaaladda, laakiin hadda taageeradeenna ku aaddan ciyaartoyda waa mid aan shuruud lahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular