Fabio Cannavaro: “Van Dijk Wuxuu Rabaa Inuu Ku Biiro…..”

Daafacii hore ee xulka Talyaaniga, Fabio Cannavaro, ayaa shaaca ka qaaday in kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk uu u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu maalin uun ka ciyaaro horyaalka Serie A.

Xiddigan hore ugu guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa sidoo kale sheegay inuu qiyaasi karo daafacan reer Holland oo ku biiraya kooxda AC Milan.

Isagoo la hadlayay wargeyska Gazzetta dello Sport (sida uu soo xigtay Fabrizio Romano), Cannavaro wuxuu yiri: “Virgil van Dijk wuxuu ii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu maalin uun ka ciyaaro Serie A. Waxaan qiyaasi karaa isagoo ku biiraya AC Milan.”

Hadalkan ayaa imaanaya ka hor kulanka Premier League ee ay Liverpool dhammaadka toddobaadkan la ciyaari doonto Everton.

Van Dijk ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Southampton 1-dii Janaayo 2018, heshiiskiisa haatan ayaana dhacaya xagaaga 2027.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular