Kabtankii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay inuu filayo in weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland uu ku biiro Real Madrid muddo 18 bilood gudahood ah.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick To Football, Neville wuxuu sheegay in kooxda reer Spain ay iibin doonto Vinicius Junior, isla markaana ay Kylian Mbappe u wareejin doonto garabka bidix.
“Waxaan u malaynayaa in Erling Haaland uu joogi doono City ugu badnaan 18 bilood gudahood, malaha dhammaadka xilli-ciyaareedkan,” ayuu yiri Neville. “Waxaan arki karaa Vinicius oo ka tagaya Real Madrid, Mbappe oo u guuraya garabka bidix, iyo Erling Haaland oo noqonaya weeraryahankooda.”
Mustaqbalka Haaland ee Manchester City ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ahaa mawduuc si weyn loo hadal hayo, ka dib markii horyaalka Premier League uu kooxda ku helay dembiyo la xiriira jebinta shuruucda dhaqaalaha.