Barcelona Oo War Naxdin Leh Heshay: Ganaaxa Rasmiga Ah Ee Lagu Riday Fermín López Iyo Kulamada Uu Seegayo

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Fermín López, ayaa si rasmi ah loogu riday ganaax laba kulan ah ka dib kaarkii casaa ee la siiyay kulankii Villarreal.

Da’yarkan reer Spain ayaa toos kaarka cas loogu taagay intii ay ciyaartu socotay, ka dib markii uu si kulul uga dooday go’aan uu garsooruhu qaatay.

Barcelona ayaa si degdeg ah racfaan uga qaadatay go’aankaas, iyadoo rajaynaysay in ganaaxa la laalo ama laga dhimo. Si kastaba ha ahaatee, guddiga anshaxa ee tartanka ayaa si rasmi ah u diiday racfaanka kooxda, waxayna sidii hore u daayeen ganaaxa labada kulan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Fermín uu seegi doono labada kulan ee soo socda ee Barcelona ay la ciyaarayso Deportivo iyo Atletico Madrid, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban horyaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular