Paul Scholes Oo Si Kulul U Dhaliilay Leny Yoro: “Uma Muuqdo Mid Heerka Premier League Gaarsiisan”

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa aaminsan in Leny Yoro uusan weli la qabsan horyaalka Premier League tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray.

Isagoo ka hadlayay daafacan reer France ka dib kaarkii casaa ee muranka dhaliyay kulankii Liverpool, Scholes wuxuu yiri: “Premier League haatan wuu ku adag yahay. Wuxuu yimid koox daafaceedu aad u liito. Haddii uu ka garab ciyaari lahaa Virgil van Dijk, waxaa laga yaabaa inuu yara fiicnaan lahaa. Laakiin uma muuqdo mid heerka Premier League gaarsiisan. Wuxuu u eg yahay qof argagaxsan oo wareersan.”

Yoro ayaa si khaldan kaarka cas loogu taagay daqiiqadihii hore ee kulankii Liverpool. Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa ku guulaysatay racfaankii ay ka qaadatay kaarkaas, taas oo ka dhigan inuusan wax kulan ah ganaax ku seegi doonin.

Daafacan reer France wuxuu xilli-ciyaareedkan 2026/27 u saftay Manchester United 12 kulan, iyadoo kooxdu ay shabaqeeda ilaashatay hal kulan oo keliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular