Tababaraha kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay xagaagii u soo bandhigtay liis ay ku jiraan ilaa shan weeraryahan si uu mid uga doorto.
Kooxda Los Blancos ayaa suuqa ugu jirtay weeraryahan cusub ka dib markii Gonzalo Garcia uu go’aansaday inuu ku biiro Fulham. Mourinho, oo markiisii labaad dib ugu soo laabtay garoonka Bernabeu, ayaa loo xilsaaray inuu hagaajiyo safka kooxda.
Liiska la siiyay, Mourinho wuxuu Real Madrid ka codsaday inay kooxda Levante kala soo wareegto Carlos Espi.
Espi ayaa kooxda u dhaliyay dhowr gool oo muhiim ah isagoo ka hoos ciyaaraya Mourinho, iyadoo kii ugu dambeeyay uu ahaa kulankii ay habeenkii Sabtida 2-1 kaga badiyeen Celta Vigo.
“Kooxdu waxay xagaagii i siisay liis 4 ilaa 5 weeraryahan ah si aan mid u doorto, waxaana iri: Carlos Espi ayaa falsafaddeyda kusoo baxaya,” ayuu yiri Mourinho.