Xabi Alonso Oo Fariin Adag U Diray Ciyaartoyda Chelsea Ka Dib Guuldarradii Cuslayd Ee Leeds United.

Tababaraha kooxda Chelsea, Xabi Alonso, ayaa ku boorriyay kooxdiisa inay si wadajir ah u shaqeeyaan oo ay xal u helaan dhibaatada haysata, ka dib guuldarradii cuslayd ee 4-1 ahayd ee Sabtidii garoonkooda kaga soo gaartay Leeds United.

Laba gool oo uu dhaliyay Noah Okafor, iyo min hal gool oo ay raaciyeen Dominic Calvert-Lewin iyo Brenden Aaronson, ayaa kooxda Daniel Farke u xaqiijiyay saddexda dhibcood.

Isagoo ka hadlayay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Alonso wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay natiijada kulanka.

“Waan murugaysannahay. Maanta way adkayd guuldarradu. Waxaa laga yaabaa inaan ku jirno xaalad liidata ka dib bilowgeennii fiicnaa,” ayuu yiri Alonso. “Waxyaabaha qaar way is-beddeleen. Waa inaan si wadajir ah u shaqayno si aan xal u helno. Waddo dheer baa noo dhiman.”

Natiijadan ayaa Chelsea ku reebtay kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League ka dib kow iyo toban kulan oo ay ciyaartay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular