Horyaalka Premier League ayaa dib u bilaabanaya ka dib fasaxii ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo Manchester City ay rajeynayso inay ka soo kabato dhibaatooyinkeedii dhowaa marka ay duhurnimada Sabtida la ciyaareyso Fulham.
Tababare Enzo Maresca oo waqti u helay inuu saxo shaxdiisa intii lagu jiray fasaxa, ayaa horyaalla go’aanno muhiim ah oo ku saabsan shaxda uu ku soo bilaabi doono kulanka ay Fulham ku soo dhoweynayaan garoonka Etihad.
Dhanka goolhayaha, Gianluigi Donnarumma ayaa dhaleeceyn kala kulmay qaab-ciyaareedkiisa, balse uma badna in Maresca uu haatan kursiga keydka dhigi doono goolhayahan reer Talyaani.
Maadaama uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Guehi iyo Khusanov, waxaa la filayaa in daafaca dhexe ay ka wada ciyaaraan Ruben Dias iyo Josko Gvardiol. Daafaca bidix ee Nico O’Reilly ayaa dib u helaya qaab-ciyaareedkiisii iyo kalsoonida Maresca, halka Nunes uu booskiisa u banneyn karo Rico Lewis.
Enzo Fernandez waa xiddig uu Maresca aad u jecel yahay; inkastoo uu u safray Koonfurta Ameerika si uu ula ciyaaro xulkiisa laba kulan oo saaxiibtinimo, waxaa la nasiyay 35 daqiiqo kulankii labaad. Elliott Anderson ayaa isaguna helay nasiino la mid ah markii uu la joogay xulka England, ka dib markii uu goor hore ka baxay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Spain kaarka cas awgiis. City waxay xagaagan kharash gareysay in ka badan 250 milyan oo gini si ay u xoojiso khadkeeda dhexe, tayada labadan ciyaaryahanna waxay ka dhigaysaa inay ku soo billowdaan.
Phil Foden ayaa laga reebay shaxda koowaad kulankii ay guuldarradu ka soo gaartay Forest, balse qaab-ciyaareedkii kooxda ayaa ku dhiirrigelin kara Maresca inuu dib u soo celiyo. Si Foden iyo Rayan Cherki ay labadooduba shaxda ugu soo wada galaan, Foden wuxuu ka ciyaari doonaa garabka midig, halka Cherki uu ka ciyaari doono booska dhexe.
Waxaa la saadaalinayaa in Jeremy Doku uu ka ciyaari doono garabka bidix, halka Erling Haaland uu hoggaamin doono weerarka hore.
Shaxda la saadaalinayo ee Man City kulanka Fulham (4-2-3-1): Donnarumma; Lewis, Dias, Gvardiol, O’Reilly; Anderson, Fernandez; Foden, Cherki, Doku; Haaland.
Ciyaaryahanka dhaawacan: Semenyo.
Ciyaartoyda shakigu ku jiro: Guehi, Khusanov, Nunes.
Taariikhda iyo waqtiga: 3:30 galabnimo (EAT), Sabti, 21-ka Nofeembar.
Garoonka: Etihad.
Kanaalka laga daawan karo: TNT Sports.