FA-ga Oo Diiday Racfaankii Chelsea Iyo Ciqaabta Culus Ee Lagu Soo Rogay Kooxda Stamford Bridge.

Kooxda Chelsea ayaa lagu ganaaxay 150,000 oo gini ka dib markii racfaankii ay ka qaadatay ciqaabtii Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ee la xiriirtay heeso aflagaaddo ah oo laga qaaday kulankii FA Cup ee xilli-ciyaareedkii hore ay la ciyaareen Charlton la diiday.

Eedeymahan ayaa la xiriira heeso la qaaday daqiiqaddii 56-aad ee kulankii ay bishii Janaayo 5-1 kaga badiyeen Charlton, kaas oo ahaa kulankii ugu horreeyay ee uu Liam Rosenior hoggaamiyo kooxda.

Chelsea ayaa qiratay eedeynta, balse waxay markii dambe racfaan ka qaadatay ciqaabta iyadoo adeegsaneysa hay’ad madax-bannaan, taas oo diiday racfaanka isla markaana ayidday ciqaabtii hore.

Bayaan ka soo baxay FA galabnimadii Jimcaha ayaa lagu yiri: “Kooxda Chelsea waxaa lagu ciqaabay anshax-xumo ay sameeyeen taageerayaasheedu intii lagu jiray kulan FA Cup ee ay la ciyaareen Charlton Athletic FC. Waxaa lagu eedeeyay in qiyaastii daqiiqaddii 56-aad ay Chelsea ku guuldarraysatay inay hubiso in daawadayaasheeda iyo taageerayaasheedu aysan u dhaqmin si aan habboonayn, aflagaaddo ah, ama cay ah oo si toos ah ama si dadban u taabanaysa diin ama caqiido.”

Bayaanka ayaa lagu sii daray: “Chelsea way qiratay eedeynta, guddi madax-bannaan oo qaabilsan anshaxa ayaana ku soo rogay qorshe waxqabad, ganaax dhan 150,000 oo gini, iyo digniin ku saabsan dhaqankan mustaqbalka dambe ka dib dhageysi la sameeyay. Kooxdu waxay markii dambe racfaan ka qaadatay ciqaabahan. Racfaanka waxaa diiday Guddi Racfaan oo madax-bannaan, go’aannadii guddiga anshaxana sidoodii ayay u taagan yihiin.”

Chelsea ayaa dhankeeda ku xaqiijisay xukunka bayaan ay soo saartay maalintii Jimcaha, waxayna tiri: “Si buuxda ayaan u cambaaraynaynaa dhaqankan. Cayda firqooyinka; heesaha abuura kala qaybsanaanta ee lala beegsado koox diimeed ama siyaasadeed oo gaar ah iyo hadallada takoorka ah nooc kasta oo ay yihiin, boos kuma laha kooxdeenna kubadda cagta.”

“Dhaqanka noocaas ah wuxuu keliya sababaa in dadka kale la dhaawaco, mana matalo qiyamka aan koox ahaan aaminsannahay. Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi ammaan ah oo loo wada dhan yahay, waxaana naga saaran mas’uuliyad wadajir ah inaan taas xaqiijinno.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular