Tababarihii hore ee kooxda Chelsea, Antonio Conte, ayaa sheegay in koox kasta oo ka baqaysa inay shaqo siiso ay ka baqayso inay guuleysato.
Conte ayaa ka jawaabayay su’aalo ku saabsan sababta ay Manchester United u dooratay inay magacowdo Mauricio Pochettino halkii ay isaga ka qaadan lahayd.
Macallinkan reer Talyaani ayaa ka mid ahaa dadkii markii hore ugu cadcaddaa inuu qabto shaqada ka dib markii la cayriyay Michael Carrick. Laakiin waxaa soo baxay warar xan ah oo sheegaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Old Trafford aysan ku qanacsanayn in la keeno Conte.
“Haddii uu jiro qof ka cabsanaya hab-shaqeedkayga, markaas wuxuu ka cabsanayaa guusha, sababtoo ah habkaas ayaa keena guusha. Taas waa jawaabtayda,” ayuu yiri Conte.
“Manchester United waxay leedahay taariikh aad u weyn, waxaana layaab leh iney cabsi ka muujiyaan hab loogu talagalay in kooxda loogu soo celiyo maqaamkeedii dhabta ahaa. Markii ugu dambeysay ee ay horyaalka ku guuleystaan waxay ahayd 2013, xilligii Ferguson. Xushmad aad u weyn ayaan u hayaa Sir Alex Ferguson.”