Mikel Arteta Oo Shaaciyay Mudada Uu Maqnaanayo Bukayo Saka Iyo War Farxad Leh Oo Ku Saabsan William Saliba.

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in Bukayo Saka uu garoommada ka maqnaan doono bil kale.

Saka ayaa dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada intii lagu jiray kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Bayern Munich. Garabkan reer England ayaa haatan seegi doona kulamo muhiim ah toddobaadyada soo socda.

“Waxaan samaynay baaritaan kale, si aad u wanaagsan ayuu u soo kabsanayaa,” ayuu Arteta u sheegay wariyeyaasha maalintii Jimcaha. “Laakiin waxay u muuqataa in dhaawacu uu qaadan doono qiyaastii siddeed toddobaad. Haatan waxaa laga joogaa afar toddobaad, welina waqti ayaa ka harsan soo laabashadiisa.”

Arteta ayaa sidoo kale shaaciyay in daafaca William Saliba uu “diyaar” u yahay inuu ciyaaro. Saliba ayaan weli u safan kooxda Gunners xilli-ciyaareedkan ka dib qalliin looga sameeyay dhabarka.

Si kastaba ha ahaatee, Martin Zubimendi ayaa dhaawac muruqa ah ku seegi doona safarka horyaalka Premier League ee ay ku tagayaan Newcastle. Arsenal ayaa u safraysa garoonka St James’ Park, iyadoo fursad u haysata inay dhibco dheeraad ah ku sii hoggaamiso kala sarreynta horyaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular