Arsenal Oo 2 Xiddig Iska Direysa Si Ay Chelsea Iyo Liverpool Uga Dul-qaaddo Saxiixa Alex Scott.

Mikel Merino iyo Martin Zubimendi ayaa ah labada ciyaaryahan ee ugu dhow inay ka tagaan Arsenal si ay boos ugu banneeyaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bournemouth iyo xulka England, Alex Scott, sida uu ku warramay wargeyska The Sun.

Arsenal ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Scott, taas oo ku qasbi karta in ugu yaraan hal ciyaaryahan oo khadka dhexe ah uu ka tago kooxda.

Gunners ayaa diyaar u ah inay dib u habeyn ku sameyso khadkeeda dhexe, iyadoo doonaysa inay Chelsea iyo Liverpool kaga guuleysato loollanka loogu jiro 23 jirkan.

Warar soo baxay toddobaadkii hore ayaa sheegay in saddexda kooxoodba ay la xiriireen Bournemouth, iyadoo Arsenal ay diyaar u tahay inay sugto ilaa xagaaga si ay ula wareegto.

Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta inay iibiso ugu yaraan hal ciyaaryahan oo khadka dhexe ah si ay u maalgeliso heshiiskan bisha Janaayo ama xagaaga soo socda.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa la soo warinayaa inuu qorshayaasha kooxda kala hadlay agaasimaha ciyaaraha ee Andrea Berta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular