Waa Kuma Tababaraha Keliya Ee Uu Pep Guardiola Sheegay In Kubadda Cagtu Maanta U Baahan Tahay?

Tababarihii hore ee kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay macallinka xulka qaranka Jarmalka ee Jürgen Klopp, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu wanaagsan kubadda cagta.

Guardiola ayaa sheegay in soo-jiidashada Klopp, xirfaddiisa wada-hadalka iyo shakhsiyaddiisu ay ka dhigaan qof muhiim u ah ciyaarta, isagoo intaas ku daray in kubadda cagtu ay u baahan tahay tababarayaal la mid ah macallinkan reer Jarmal.

Labadan tababare ayaa xafiiltan adag dhex maray xilligii ay kala hoggaaminayeen Manchester City iyo Liverpool, iyagoo ku loollamayay koobabka waaweyn ee kubadda cagta Ingiriiska.

“Klopp waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican kubadda cagta. Xitaa ma bilaabi karo inaan sharraxo inta aan la dhacsanahay isaga,” ayuu Guardiola u sheegay majaladda Bundesliga Magazine, sida lagu daabacay barta X ee @iMiaSanMia.

“Waa nooca shakhsiyadda iyo nooca tababaraha ee adduunkeenna kubadda cagta ka dhiga meel ka sii wanaagsan siduu yahay. Wuxuu leeyahay soo-jiidasho, waana qof si cajiib ah wax u gudbiya. Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu dib ugu soo laabtay tababarenimada. Kubadda cagtu waxay u baahan tahay shaqsiyaad la mid ah Jürgen.”

Hadallada Guardiola ayaa muujinaya ixtiraamka xooggan ee ka dhexeeya labadan tababare ee saameynta weyn ku leh kubadda cagta, kuwaas oo xafiiltankoodu uu qaabeeyay loollankii horyaalka Premier League sanadihii la soo dhaafay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular