Xulka qaranka Senegal ayaa si rasmi ah ugu soo baxay tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee 2027 ka dib markii ay Mozambique 1-0 kaga adkaatay Itoobiya maalintii Talaadada, taas oo xaqiijisay booska “Libaaxyada Teranga” ee tartanka.
Senegal ayaa horay ugu dhowaatay u soo bixista ka dib markii ay habeenkii Isniinta 4-2 kaga badiyeen xulka Sudan. Goolka guusha oo uu daqiiqaddii 38-aad dhaliyay Stanley Ratifo ayaa Mozambique u xaqiijiyay saddexda dhibcood kulankii ay la ciyaareen Itoobiya.
Maadaama ay leeyihiin 10 dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen, Senegal waxay xaqiijisatay ku dhameysashada labada kaalmood ee ugu sarreeya Guruubka J, iyagoo u soo baxay tartanka xilli ay weli harsan yihiin laba wareeg oo ciyaaro ah.
Tartanka 2027 wuxuu u noqon doonaa Senegal markii toddobaad oo xiriir ah oo ay ka soo muuqdaan AFCON, ka dib markii ay ka qaybgaleen tartamadii la qabtay sanadihii 2015, 2017, 2019, 2021, 2023 iyo 2025.
Sidoo kale, waxay u noqon doontaa markii 19-aad ee ay ka qaybgalaan kama-dambeysta koobka qaaradda, kaas oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan dalalka Uganda, Kenya iyo Tanzania.