Sida uu sheegay wariyaha barnaamijka El Chiringuito TV ee Marcos Benito, heshiiska uu da’yarka JJ Gabriel ugu wareegayo kooxda Real Madrid ayaa ah mid la dhammaystiray, iyadoo 16 jirkan cajiibka ah uu qalinka ku duugi doono qandaraas saddex sano ah oo uu ugu biirayo kooxda reer Spain.
Kooxda Manchester United ayaa ka heli doonta Real Madrid lacag magdhow tababar ah oo dhan 360,000 oo Yuuro.
Intaas waxaa dheer, 16 jirkan ayaa laga mamnuucay inuu ku biiro kooxda labaad ee Real Madrid Castilla ilaa bisha Janaayo sababo la xiriira xeerarka xiriirka kubbadda cagta, sidaas darteed wuxuu marka hore waqtigiisa ku qaadan doonaa kooxda da’yarta ee naadiga.
Weeraryahankan xirfadda leh ee u dhashay dalka England ayaa tababar ku qaadanayay magaalada Madrid isagoo ka maqan Manchester United tan iyo markii uu gudbiyay codsi uu ku doonayo inuu kaga tago kooxda bishii Sebtembar.
Wakiilkiisa cusub, Ali Barat, ayaa door muhiim ah ka qaatay dhammaystirka heshiiska uu ugu biirayo Madrid, inkastoo ay jireen xiiso xooggan oo uga imaanayay kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo PSG.