Liverpool Oo War Aan Dhegaha U Rooneyn Ka Heshay Mustaqbalka Alisson Becker

Goolhayaha kooxda Liverpool, Alisson Becker, ayaa lagu soo warramayaa inuu isu diyaarinayo inuu ka tago garoonka Anfield dhammaadka xilli-ciyaareedkan, ka dib markii uu go’aansaday inuusan kordhin qandaraaskiisa oo ku eg sanadka 2027.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, mustaqbalka goolhayahan reer Brazil ayaan fadhin, iyadoo tartanka adag ee uu kala kulmayo goolhayaha reer Georgia ee Giorgi Mamardashvili uu yahay sababta ugu weyn ee ka dambeysa xaaladdiisa.

33 jirkan, oo booskiisa koowaad ee Liverpool uu shaki galay tan iyo imaatinka Mamardashvili, ayaa haatan eegaya fursadaha u furan maadaama uu qandaraaskiisu galayo marxaladihii ugu dambeeyay.

Dhanka kale, kooxda Juventus oo horay u xiiseynaysay Alisson ayaa la sheegayaa inay ka laabatay qorshaheedii ahaa inay la soo wareegto. Naadiga reer Talyaani ayaa ku qancay qaab-ciyaareedka Guglielmo Vicario, waxayna u arkaan dookhooda koowaad ee ay ku xoojinayaan booska goolhayaha.

Sidaas darteed, Alisson ayaa la filayaa inuu raadsado kooxo kale oo ka baxsan magaalada Turin haddii uu ka tago Liverpool dhammaadka ololahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular