Weeraryahankii hore ee Manchester United, Michael Owen, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay magacaabista tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino iyo halista ay kooxdu ugu jirto inay ka harto horyaalka Premier League.
Pochettino, oo ka tagaya shaqada xulka Maraykanka si uu u beddelo Michael Carrick oo la cayriyay ka dib markii uu badiyay kaliya saddex kulan 15 kulan oo dhammaan tartamada ah, ayaa qalinka ku duugay qandaraas soconaya ilaa sanadka 2029, xilli Red Devils ay haatan ku jirto aagga looga haro horyaalka.
Isagoo la hadlayay shabakadda GOAL, Owen ayaa xusay in haddii United ay ka harto horyaalka ay noqon doonto lama-filaankii ugu weynaa ee taariikhda Premier League, taas oo la mid ah sidii markii Leicester City ay ku guuleysatay koobka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkeystay inuusan u malaynayn inay taasi dhacayso, isagoo ku dooday in kooxdu ay haysato ciyaartoy u qalma heerka Champions League ama ugu yaraan kaalinta lixaad, maadaama ay qaybtii dambe ee xilli-ciyaareedkii hore soo bandhigeen qaab-ciyaareed heer sare ah.
Dhanka kale, inkastoo Owen uu taageeray magacaabista Pochettino oo uu ku tilmaamay macallin aad u wanaagsan, haddana wuxuu muujiyay taxaddar weyn oo ku aaddan suurtagalnimada inuu guul gaaro.
Wuxuu is-weydiiyay haddii imaatinka Pochettino uu wax ka duwanaan doono tababarayaashii waaweynaa ee soo maray kooxda 15-kii sano ee la soo dhaafay sida Jose Mourinho, Louis van Gaal, Ole Gunnar Solskjaer, David Moyes iyo Ruben Amorim, kuwaas oo dhammaantood rajo weyn lagu soo dhaweeyay balse ku dhibtooday qaab-dhismeedka maamul ee haatan ka jira garoonka Old Trafford.