Arsenal Oo Heshiisyo Waqti Dheer Ka Saxiixaneysa Laba Xiddig Oo Muhiim Ah

Labada xiddig ee kooxda Arsenal, Declan Rice iyo Jurrien Timber, ayaa qarka u saaran inay qandaraasyo cusub u saxiixaan naadiga ka dhisan waqooyiga London.

Sida ay ku warrantay shabakadda The Athletic, labadan ciyaaryahan ayaa heshiis hordhac ah la gaaray maamulka Gunners, iyadoo la isku af-gartay shuruudaha qandaraasyo cusub oo ay ku sii joogayaan garoonka Emirates.

Xiddiga khadka dhexe ee xulka England, Declan Rice, ayaa mustaqbalkiisa u hibeyn doona kooxda haysata horyaalka Premier League ilaa sanadka 2031. Heshiiskiisii hore ayaa ku ekaa sanadka 2028, iyadoo kooxdu ay haysatay ikhtiyaar ay ku kordhin karto hal sano oo dheeraad ah.

Dhanka kale, daafaca reer Netherlands ee Jurrien Timber ayaa isaguna qalinka ku duugi doona heshiis cusub ka dib bilooyin ay socdeen wada-xaajoodyo.

Labadan ciyaaryahan ayaa raacaya wadadii tababare Mikel Arteta oo isaguna dhowaan qandaraas cusub u saxiixay kooxda Arsenal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular