Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa soo bandhigay aragti xiiso leh oo aan kubadda cagta shaqo ku lahayn, taasoo uu aaminsan yahay inay tahay sababta dhabta ah ee ay maamulka Manchester United u doorteen Mauricio Pochettino.
Kadib markii shaqada laga cayriyay Michael Carrick 12-kii bishan Nofeembar, United ayaa wax yar kadib 24 saacadood si rasmi ah ugu dhawaaqday Pochettino, kaasoo si buuxda xilka ula wareegi doona 18-ka Nofeembar kadib kulankiisa ugu dambeeya ee xulka Maraykanka ee tartanka Concacaf Nations League.
​Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Daily, Gerrard ayaa sheegay in xirfadda luuqadaha badan ee Pochettino ay door weyn ka ciyaartay inuu shaqadan kaga guuleysto tababarihii hore ee Newcastle United, Eddie Howe, oo isaguna si weyn loola xiriirinayay kursiga Old Trafford.
Gerrard ayaa xusay in Pochettino oo ku hadla luuqadda Isbaanishka, isla markaana fahma Talyaaniga iyo Ingiriiska, uu si toos ah ula xiriiri karo xiddigaha ugu muhiimsan qolka labiska ee United sida Bruno Fernandes, Lisandro Martinez, Matheus Cunha, iyo Amad Diallo, taasoo ka caawin karta inuu dib usoo celiyo farxaddooda iyo qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa ka hor kulanka adag ee ay Axadda la leeyihiin Liverpool.