“Guuldarrada Way U Qalmeen” – Hooyada Ronaldo Oo Weerar Afka Ah Ku Qaadday Xulka Portugal

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo, Dolores Aveiro, ayaa si kulul uga hadashay guuldarradii 4-1 ahayd ee xulka Portugal ka soo gaartay Denmark tartanka UEFA Nations League, taas oo ahayd ciyaartii ugu horreysay tan iyo markii uu wiilkeedu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo tababare Jorge Jesus.

Kulankan oo Sabtidii ka dhacay magaalada Braga ayaa noqday guuldarradii ugu cuslayd ee Portugal ku soo gaarta garoonkeeda ciyaar rasmi ah. Goolal ay dhaliyeen Pierre-Emile Hojbjerg, Joachim Andersen iyo laba gool oo uu dhaliyay weeraryahankii hore ee Manchester United ayaa Denmark u xaqiijiyay guusha, halka Bernardo Silva uu waqtigii dhimashada dhaliyay goolka calanka ee Portugal.

Dolores Aveiro oo waraysi bixisay ciyaarta ka dib ayaa qirtay inay ku faraxsanayd guuldarrada xulkeeda, iyadoo dhaliishay maamuuskii loo sameeyay wiilkeeda oo ay ciyaartoydu ku soo galeen garoonka maaliyaddiisa lambarka toddobaad, taageerayaashuna ay u sacbiyeen daqiiqaddii toddobaad.

“Guuldarradu waxay ahayd mid ay u qalmeen, waana ku faraxsanaa. Maamuuska waxay ahayd in loo sameeyo isagoo goobjoog ah. Kooxda Sporting ayaa u samayn doonta maamuus dhab ah oo lagu qirayo qiimihiisa. Xulka qaranka gudihiisa laguma xushmayn, xitaa ciyaartoyda ay isku kooxda ahaayeen ma aysan xushmayn,” ayay tiri Dolores.

Dhanka kale, tababare Jorge Jesus oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cardiff ka hor kulanka ugu dambeeya ee ay la ciyaarayaan Wales, ayaa si deggen uga jawaabay hadalkaas.

“Hadda ma waxaa igu waajib ah inaan u jawaabo hooyada Cristiano Ronaldo? Waa marwo aan aad u xushmeeyo. Hooyo waa uun hooyo, wax laga qaban karana ma jirto, waana fahmaya hadalkeeda,” ayuu yiri Jesus, isagoo intaas ku daray inuu mar walba ka jawaabi doono su’aalaha saxaafadda ee ku saabsan Ronaldo xitaa haddii la weydiiyo sanadka soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular