Barcelona Oo Shaacisay Waqtiga Uu Rodri Garoomada Dib Ugu Soo Laaban Doono

Kooxda Barcelona ayaa rajo weyn ka qabta in  Rodri uu dhaawaca kaga soo laabto waqtigii la filayay ka hor, iyadoo xiddigan uu haatan bartilmaameedsanayo inuu garoomada ku soo laabto kulanka Atletico Madrid ee dhici doona 2-da bisha Diseembar.

Sida uu ku warramay wargeyska AS, soo kabashada xiddigan reer Spain ayaa u socota si wanaagsan. Rodri ayaa ka dhaawacmay muruqa bowdada midig 3-dii bishan Noofembar kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Aston Villa, waxaana markii hore la saadaaliyay inuu maqnaan doono afar ilaa shan toddobaad.

Qorshaha koowaad ayaa ahaa inuu soo laabto 8-da Diseembar marka ay Barcelona wajahdo kooxdiisii hore ee Manchester City. Si kastaba ha ahaatee, horumarka uu ka sameeyay daaweynta ayaa keentay in kooxdu ay ka fiirsato inay daqiiqado ciyaarsiiso kulanka Deportivo ee 29-ka Noofambar si uu u helo taam-ahaansho u suurtagelin karta inuu ku soo bilowdo ciyaarta Atletico Madrid.

Dhanka kale, Barcelona ayaa war farxad leh ka heshay Dani Olmo oo la filayo inuu taam u noqdo kulanka Villarreal ee ka dambeeya fasaxa xulalka, ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray ciyaartii Paris Saint-Germain ee 20-kii Oktoobar.

Tababare Hansi Flick ayaa dhowaan heli doona dhammaan dookhyadiisa khadka dhexe, inkastoo Rodri uu seegi doono kulanka horyaalka ee Villarreal iyo ciyaarta Champions League ee ay la leeyihiin kooxda Sabah ee dalka Azerbaijan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular