Liiska 10-ka tababare ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League ayaa la soo saaray ka dib isbeddelladii waaweynaa ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid ahaayeen bixitaanka Pep Guardiola iyo Arne Slot, iyo magacaabista Mauricio Pochettino ee kooxda Manchester United.
1. Mikel Arteta – Arsenal (£20m)
2. Mauricio Pochettino – Manchester United (~£13m)
2. Xabi Alonso – Chelsea (£13m)
3. Oliver Glasner – Nottingham Forest (£13m)
4. Enzo Maresca – Manchester City (£12m)
5. Roberto De Zerbi – Tottenham Hotspur (£12m)
6. Andoni Iraola – Liverpool (£10m)
7. Unai Emery – Aston Villa (£9.5m)
8. Matthias Jaissle – Newcastle United (£6m)
9. David Moyes – Everton (£5m)
10. Frank Lampard – Coventry City (£5m)
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa haatan kaligiis ku fadhiya kaalinta koowaad isagoo sanadkii qaata 20 milyan oo gini, taas oo abaalmarin u ah dhismaha daafaca adag iyo horumarka uu ka hirgeliyay Emirates tan iyo Diseembar 2019.
Kaalinta labaad waxaa wadaaga saddex tababare oo qaata min 13 milyan oo gini. Mauricio Pochettino oo beddelay Michael Carrick ayaa mushaharkiisa lagu qiyaasay lacagtii uu ku qaadan jiray Chelsea. Waxaa booskan kula jira Xabi Alonso oo loo magacaabay maamulaha Chelsea, iyo Oliver Glasner oo lacag badan lagu soo jiitay si uu u noqdo tababarihii shanaad ee Nottingham Forest muddo sanad ah.
Enzo Maresca oo Manchester City ka beddelay Guardiola iyo Roberto De Zerbi oo Tottenham ka badbaadiyay heerka labaad ayaa wadaaga kaalinta shanaad iyagoo qaata min 12 milyan oo gini. Macallinka cusub ee Liverpool, Andoni Iraola, ayaa ku jira kaalinta toddobaad (£10m), halka Unai Emery uu Aston Villa ka qaato £9.5m.
Ugu dambeyn, Matthias Jaissle (£6m) ayaa fadhiya kaalinta sagaalaad, halka David Moyes iyo Frank Lampard ay wadaagaan kaalinta tobnaad iyagoo qaata min 5 milyan oo gini.