Halyeeyga kubbadda cagta ee dalka Brazil, Ronaldinho, ayaa u magacaabay Carlo Ancelotti, tababaraha ugu fiican adduunka ee haatan ka shaqeeya ciyaaraha.
Waraysi uu siiyay wargeyska La Gazzetta dello Sport, 46 jirkan horay uga soo tirsanaa kooxda Barcelona ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin in Ancelotti uu guulo waaweyn la gaari doono xulka qaranka Brazil.
“Waa tababaraha ugu fiican adduunka, waxaana ku kalsoonahay inuu gaari doono guulo waaweyn,” ayuu yiri Ronaldinho.
Ancelotti ayaa loo magacaabay tababaraha xulka qaranka Brazil bishii Maajo ee sanadkii 2025, isagoo hoggaamiyay xulka Seleção tartankii Koobka Adduunka ee xagaagii la soo dhaafay, iyadoo ay ku hareen wareegga 16-ka ka dib guuldarro ka soo gaartay xulka Norway.
Qandaraaska macallinkan reer Talyaani ayaa soconaya ilaa sanadka 2030, iyadoo la filayo inuu sii hayo talada xulka ilaa Koobka Adduunka ee soo socda.