Wariyaha xog-ogaalka ah ee Andy Mitten ayaa shaaca ka qaaday hab-dhaqanka daafaca dhexe ee kooxda Manchester United, Lisandro Martinez, marka uu ku sugan yahay qolka labbiska.
Martinez, oo sanadkii 2022-kii kaga soo biiray United kooxda Ajax adduun dhan 57 milyan oo gini isla markaana u saftay United 121 kulan, ayaa bishii Oktoobar 2026 si fagaare ah u dhaliilay agaasimaha kubbadda cagta ee kooxda, Jason Wilcox, ka dib guuldaradii Atletico Madrid, isagoo ku eedeeyay inuusan samayn saxiixyo ku filan xagaagii hore.
Qaab-ciyaareedka 28 jirkan ayaa hoos u dhacay tan iyo markaas, iyadoo kaarka cas loo taagay kulankii Chelsea ka hor fasaxa xulalka.
Mitten oo wax ku qoray wargeyska The National ayaa xusay in Martinez uu ka mid yahay saddexda hoggaamiye ee qolka labbiska ku weheliya Bruno Fernandes iyo Harry Maguire, balse uu yahay mid ad-adag oo ku qayliya saaxiibbadiisa, mararka qaarna xadkiisa dhaafa.
Wuxuu intaas ku daray in Martinez uu doonayay qandaraas cusub maadaama heshiiskiisu dhacayo xagaaga 2027, balse maamulka United ay dareemeen inuu u baahan yahay inuu kulamo badan ciyaaro si uu u muteysto.
Inkastoo lala xiriirinayo kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid bisha Janaayo, imaatinka tababare Mauricio Pochettino ayaa fursad cusub siin kara xiddigan ay isku dalka yihiin. Dhanka kale, halyeeygii hore ee kooxda, Paul Scholes, ayaa dhowaan sheegay in Martinez uusan marnaba noqon doonin daafac guul u horseeda Manchester United, loona baahan yahay in la beddelo.