“Dadka Sidaas Ayay U Arkaan” – Drogba Oo Sharraxay Waxa Mbappé Ka Hor Istaagay Ku Guuleysiga Ballon d’Or 2026

Kabtankii hore ee xulka qaranka Ivory Coast, Didier Drogba, ayaa sheegay in aragtida dadweynaha ee ku aaddan weeraryahanka kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ay door weyn ka ciyaari kartay sababtii uu ugu guuldarraystay abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadka 2026, taas oo uu kaga adkaaday Harry Kane.

Xiddigan u dhashay dalka France ayaa codbixintii ugu dambeysay ee abaalmarinta lagu bixiyay ku dhammaystay kaalinta labaad, isagoo 28 dhibcood oo keliya ka dambeeyay weeraryahanka reer England ee Kane. Drogba ayaa tilmaamay in dadkii codeynayay ay eegayeen qodobbo kale oo ka baxsan tayada iyo waxqabadka garoonka dhexdiisa.

“Wuxuu qaab-ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigayaa kooxda Real Madrid. Harry Kane laftiisu kuma uusan guuleysan koobka Champions League, marka waxaa laga yaabaa in arrintu ay salka ku hayso sida ay dadweynuhu u arkaan,” ayuu yiri halyeeygii hore ee Chelsea.

Drogba ayaa intaas ku daray in dalka France aad loogu adkeeyo ciyaartoyda sida cad u dhiibta fikirkooda, uuna Mbappé yahay qof aan la gamban aragtidiisa. Wuxuu xusay in mararka qaar ay dadku doorbidaan ciyaartoyda hadalka yar, balse wuxuu kula taliyay laacibkan inuusan waxba ka beddelin dabeecaddiisa oo uu ahaado sida uu yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular