Liverpool Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Gaartay Mustaqbalka Ronald Araújo

Daafaca u dhashay dalka Uruguay ee Ronald Araújo ayaa sii wada inuu soo bandhigo qaab-ciyaareed cajiib ah tan iyo markii uu ku biiray kooxda Liverpool, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka mas’uuliyiinta sare ee kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Reds ayaan doonayn inay ku degdegaan qaadashada go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, sida uu xaqiijiyay wariyaha caanka ah ee reer Talyaani, Fabrizio Romano.

Romano ayaa sharraxay in maamulka iyo shaqaalaha tababarka ee Liverpool ay aad ugu faraxsan yihiin heerka ciyaareed ee uu soo bandhigay daafacan, balse ay doorbidayaan inay sugaan ilaa sanadka 2027 ka hor inta aysan go’aamin mowqifkooda rasmiga ah. Kooxda ayaa markaas qiimeyn doonta haddii ay sii wadi doonto ku tiirsanaanta xiddigan iyo inay wadahadallo toos ah la furi doonto kooxdiisa Barcelona si ay ula wareegto si rasmi ah oo joogto ah.

Sidaas darteed, wararkii dhowaanahan la isla dhexmarayay ee sheegayay in Liverpool ay gaartay go’aan kama dambeys ah oo ay bisha Janaayo kula wareegayso Ronald Araújo, ama ay durbaba dhaqan-gelinayso qodobka u ogolaanaya inay si rasmi ah u iibsato, ayaa ah kuwo aan wax sal iyo raad toona lahayn, maadaama maamulka kooxdu aysan weli gaarin wax go’aan rasmi ah.

Ronald Araújo ayaa suuqii kala iibsiga ee xagaagii la soo dhaafay qaab amaah ah ugu soo biiray kooxda garoonka Anfield, isagoo saxiixay heshiis soconaya ilaa xagaaga 2027, kaas oo ay ku jirto ikhtiyaar ay Liverpool si joogto ah ugu iibsan karto adduun lacageed oo dhan 55 milyan oo Yuuro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular