Bradley Barcola Oo Loo Saadaaliyay Inuu Ku Guuleysan Karo Ballon d’Or, Haddii Uu Buuxiyo Labadan Shuruud

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool, Bradley Barcola, ayaa loo saadaaliyay inuu ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or haddii uu buuxiyo laba shuruudood oo muhiim ah.

Reds ayaa xagaagan kula soo wareegtay Barcola lacag gaaraysa 123 milyan oo gini oo ay kaga soo iibsadeen PSG, halkaas oo uu kula soo guuleystay koobka Champions League sanadihii 2025 iyo 2026, si uu u buuxiyo booskii uu baneeyay Mohamed Salah.

Khadkii dhexe ee hore ee Manchester United, Morgan Schneiderlin, oo la hadlayay shabakadda ComeOn, ayaa aaminsan in xiddigan reer France uu gaari karo heerkaas, sidii uu sameeyay Ousmane Dembele oo kale, haddii uu horumariyo gool-dhalintiisa iyo dhammaystirkiisa ugu dambeeya.

Schneiderlin ayaa ku ammaanay Barcola xawaarihiisa sare iyo awoodda uu ku dhaafi karo laba ama saddex daafac, isagoo abuuraya fursado badan, balse wuxuu xusay in dhammaystirkiisa goolka uusan weli gaarin heerkii loo baahnaa.

Dhanka kale, Schneiderlin ayaa ugu baaqay taageerayaasha Liverpool inay u sabraan weeraryahanka Hugo Ekitike oo ka soo kabsanaya dhaawac culus oo canqowga ah, isagoo ku tilmaamay weeraryahan dhammaystiran oo leh xawaare iyo awood uu kubbadda ku xajisto marka uu taam yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular