Dejan Lovren: “Liverpool Ma Ceyrin Doonto Van dijk, Haddii Uu….”

Daaficii hore ee kooxda Liverpool, Dejan Lovren, ayaa saadaaliyay in qandaraaska Van dijk lagu kordhin doono muddo hal sano ah haddii uu sii wado qaab-ciyaareedkiisa sarreeya.

Van Dijk ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa garoonka Anfield, wuxuuna guushii 3-1 ahayd ee ay Axaddii ka gaareen Crystal Palace ka dib sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii dheereysto joogitaankiisa kooxda gobolka Merseyside.

Lovren oo muddo 18 bilood ah ka garab ciyaaray Van Dijk, isla markaana kula guuleystay koobabka Champions League, Premier League iyo Koobka Kooxaha Adduunka ka hor inta uusan sanadkii 2020 u wareegin Zenit St Petersburg, ayaa wareysi uu siiyay Hajper kaga hadlay mustaqbalka saaxiibkiisii hore.

“Waxay noqon doontaa wax la yaab leh marka uu Virgil van Dijk ka tago Liverpool, laakiin waqtiga ayaa soo dedejin doona inay soo idlaato. Waxay muhiim u tahay isaga, taageerayaasha iyo kooxdaba inuu kooxda isaga tago waqtiga saxda ah. Haddii uu ku sii jiro heerkiisa, waxaad arki kartaa qandaraas kordhin hal sano ah, balse dabcan waa inuu taas ku sii caddeeyaa garoonka dhexdiisa,” ayuu yiri Lovren.

Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray in Van Dijk uu shaki la’aan ka mid yahay ciyaartoyda ugu waaweyn ee abid soo marta taariikhda Liverpool, isagoo xusay in waxqabad kiisa iyo koobabka uu ku guuleystay ay iyagu is-sharraxayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular