Fabrizio Romano Oo Caddeeyay Xaaladda Mustaqbalka Trent Alexander-Arnold; Miyuu Ku Biirayaa Chelsea?

Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada uu Trent Alexander-Arnold kaga tagayo kooxda Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa bisha Janaayo.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in daafacan u dhashay dalka England uu bisha Janaayo qaab amaah ah ugu biiri karo kooxda Chelsea ama uu dib ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Liverpool.

Alexander-Arnold oo sanadkii hore oo keliya kaga soo biiray Los Blancos dhanka Liverpool, ayaan xilli-ciyaareedkan boos joogto ah ka helin shaxda Real Madrid ee uu hoggaamiyo tababare Jose Mourinho.

Si kastaba ha ahaatee, Romano ayaa bartiisa X ku xaqiijiyay in xiddigan uusan lahayn wax qorshe ah oo uu kaga tagayo Real Madrid bisha Janaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular