Pochettino Oo Dalbaday 5 Saxiix Oo Waaweyn Iyo Ciyaartoyda Uu United Ka Ceyrinayo Oo Durba La Ogaaday

Tababaraha cusub ee ku soo wajahan kooxda Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa si cad u sheegay inuu doonayo in la keeno shan ciyaaryahan oo heer sare ah, si dib-u-habeyn dhammaystiran loogu sameeyo safka kooxda.

Ka dib markii ay Red Devils galabnimadii Khamiista si rasmi ah u xaqiijisay cayrinta Michael Carrick, Pochettino ayaa haatan heshiis la gaaray kooxda, inkastoo ay sugayso shaqo aad u adag maadaama ay United ku jirto kaalmaha looga haro horyaalka Premier League.

Macallinkan reer Argentina ayaa lagu caawin karaa dhowr saxiix marka uu furmo suuqa bisha Janaayo, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxdu ay doonayso inay soo iibsato daafac dhexe, daafac bidix iyo weeraryahan.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday shabakadda Indykaila, Pochettino ayaa dalbaday laba daafac dhexe oo heer sare ah, laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah iyo weeraryahan heer caalami ah, isagoo doonaya in kooxda laga nadiifiyo ciyaartoyda tayadoodu hooseyso.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Harry Maguire, Joshua Zirkzee iyo dhowr ciyaaryahan oo kale ay ka mid noqon doonaan xiddigaha laga diri doono garoonka Old Trafford marka la gaaro sanadka 2027.

Dhanka kale, halyeeyga kooxda ee Gary Neville ayaa isaguna ku adkeystay in dib-u-dhiska daafaca laga dhigo mudnaanta koowaad, isagoo kula taliyay Pochettino inuu maamulka ka dalbado laba daafac bisha Janaayo iyo miisaaniyad lacageed oo cad xagaaga soo socda, maadaama ay aad u adkaan doonto inuu kooxda kor u soo qaado isagoo ku tiirsan daafacyada haatan jooga ee Dorgu, Mazraoui, Yoro iyo Heaven.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular