Halyeeyga horyaalka Premier League, Alan Shearer, ayaa ku ammaanay saxiixa cusub ee kooxda Arsenal, Ezri Konsa, inuu ilaa hadda yahay “ciyaaryahanka ugu fiican xilli-ciyaareedka” ee horyaalka.
Konsa oo xagaagii hore kaga soo biiray Arsenal kooxda Aston Villa adduun dhan 55 milyan oo gini ka dib toddobo sano oo uu joogay Villa Park, ayaa seegay hal kulan oo keliya ilaa hadda. Daafacan 29 jirka ah ayaa ka caawiyay wiilasha Mikel Arteta inay shan dhibcood ku qabtaan hoggaanka Premier League, iyagoo sidoo kale si fiican ku bilowday tartanka Yurub.
Xiddigan qaranka England ayaa qayb ahaan loo soo iibsaday si uu u buuxiyo booska William Saliba, kaas oo dhaawac halis ah oo dhabarka ah kala soo laabtay Koobkii Adduunka ee xagaagii hore. Si kastaba ha ahaatee, qaab-ciyaareedka cajiibka ah ee Konsa ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida uu Saliba dib ugu heli doono booskiisa koowaad.
Isagoo la hadlayay shabakadda Betfair, Shearer ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in ciyaaryahanka ugu fiican xilli-ciyaareedka ilaa hadda uu yahay Ezri Konsa. Marka aad eegto qaab-ciyaareedka daafaca ee Arsenal iyo bandhiggiisa, xitaa ma aynu soo hadal-qaadin maqnaanshaha William Saliba. Waqtiga keliya ee aan xusnay waa labadii toddobaad ee u dambeysay, taasina waxay tahay in qof kastaa uu is-weydiinayo sida uu Saliba ugu soo laaban doono safka koowaad maadaama uu Konsa aad u wanaagsan yahay.”
Dhanka kale, Rio Ferdinand ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in Konsa uu ku keenay Mikel Arteta “madax-xanuun dhanka xulashada ah”, maadaama uu u muuqdo sidii ciyaaryahan toban sano u ciyaarayay Arsenal, inkastoo uu saadaaliyay in mararka qaar loo isticmaali karo booska daafaca midig marka uu Saliba soo laabto.
Ugu dambeyn, Shearer ayaa ku celiyay in kooxda Brighton oo fadhida kaalinta labaad ka dib markii ay badisay toddobo ka mid ah tobankii kulan ee ay ciyaartay ay noqon karto kooxda keliya ee kula tartami karta Arsenal hanashada horyaalka, xilli Arsenal ay fasaxa xulalka ka dib kulan adag la ciyaari doonto Newcastle United.