Gary Neville Oo Kashifay Labada Saxiix Ee Pochettino Ay Tahay Inuu Janaayo Dalbado

Daaficii hore ee kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa u sheegay Mauricio Pochettino inuu iska diido shaqada tababarenimo ee United, haddii aysan maamulka kooxdu u ballan-qaadin inay u soo iibinayaan laba daafac oo cusub suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Ka dib markii ay United subaxnimadii Khamiista xaqiijisay cayrinta Michael Carrick, Pochettino oo heshiiskiisa xulka Mareykanka lagu burburin karo 10 milyan oo doolar (£7.44m) ayaa haatan heshiis la gaaray kooxda ka dhisan Old Trafford. United ayaa ku jirta kaalinta 18-aad ee horyaalka ka dib barbarihii 4-4 ahaa ee ay la galeen Aston Villa, iyagoo sidoo kale bishii Sebteembar ka haray koobka Carabao Cup.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football, Neville ayaa sheegay in inkastoo uu muddo toddobo ama siddeed sano ah ku baaqayay in la keeno Pochettino, haddana macallinkan looga baahan yahay inuu marka hore naftiisa ku difaaco qandaraaska, isla markaana uu dalbado damaanad-qaad buuxa oo ku aaddan kharash-garaynta labada suuq ee soo socda.

“Haddii aan ahaan lahaa Mauricio Pochettino hadda, si weyn ayaan isku difaaci lahaa. Marka labaad, wuxuu u baahan yahay laba daafac bisha Janaayo, waana inuu ku adkeystaa arrintaas. Sidoo kale waa inuu dalbadaa miisaaniyad lacageed oo cad xagaaga soo socda si uu xaaladda wax uga beddelo. Waa inay siiyaan waxaas oo dhan, haddii kale ma ahan inuu shaqada qaato,” ayuu yiri Neville.

Neville ayaa mar kale si kulul u dhaliilay daafaca kooxda, isagoo sheegay in afarta daafac ee kala ah Patrick Dorgu (ama Diogo Dalot), Noussair Mazraoui, Leny Yoro iyo Ayden Heaven ay yihiin kuwa ugu liita horyaalka Premier League waqtigan, isla markaana ay Pochettino ku adkaan doonto inuu kooxda kor u soo qaado haddii uusan helin daafacyo cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular