Rio Ngumoha Oo Ugu Dambeyn Shaaciyay Sababtii Uu Chelsea Uga Tegay, Uguna Biiray Liverpool

Garabka da’da yar ee kooxda Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa sharraxaad ka bixiyay sababtii dhabta ah ee ku kalliftay inuu ka soo tago kooxda Chelsea oo uu ku biiro Reds.

Laacibkan 18 jirka ah ayaa xagaagii 2024 soo afjaray siddeed sano oo uu ku sugnaa akadeemiyadda Chelsea, isagoo go’aansaday inuu u wareego garoonka Anfield.

Isagoo waraysi siiyay wargeyska The Telegraph oo uu kaga hadlayay go’aankiisa ayuu yiri: “Waxaan dareemay inaan u baahnaa loolan iyo caqabad cusub. Waxay ila tahay haddii aan sii joogi lahaa Chelsea, ma dhahayo si degdeg ah uguma soo dallici lahayn kooxda koowaad, sababtoo ah waan ku kalsoonahay awooddayda, laakiin waxaan dareemay in Liverpool ay i siisay waddo cusub oo aan ku horumari karo.”

Ngumoha oo muujinaya sida uu ugu qanacsan yahay tallaabada uu qaaday ayaa hadalkiisa raaciyay: “Aniga ahaan, ku biirista Liverpool waxay ahayd go’aan iska cad oo aan u baahnayn laba-labeyn.”

Qandaraaska uu da’yarkan haatan kula jiro kooxda Liverpool ayaa socon doona ilaa sanadka 2028.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular