Kevin De Bruyne Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Laabanaya Horyaalka Premier League

Xiddiga Khadka dhexe ee hal-abuurka badan ee kooxda Napoli, Kevin De Bruyne, ayaa lagu soo warramayaa inuu sanadka soo socda si lama filaan ah ugu soo laaban karo horyaalka Premier League.

Xiddigan reer Belgium ayaa 18 bilood ka hor oo keliya ka tagay kooxda Manchester City isagoo ku biiray naadiga ka dhisan horyaalka Serie A, balse wuxuu haatan ku dhibtoonayaa inuu la qabsado nolosha dalka Talyaaniga.

Sida ay ku warrantay shabakadda CalcioMercato, kooxda Everton ayaa si weyn u xiisaynaysa saxiixa De Bruyne, waxayna horey u bilowday xiriirkii ugu horreeyay oo ay la samaysay wakiillada ciyaaryahanka.

De Bruyne ayaa dhankiisa aad u danaynaya inuu dib ugu soo laabto horyaalka heerka koowaad ee England, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga, qaar ka mid ah ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, iyo tababare Massimiliano Allegri.

Tan iyo markii uu ku biiray Napoli, kubbad-sameeyahan ayaa diiwaangeliyay 15 caawin (assists) 36 kulan oo uu u saftay kooxda, kuwaas oo lix ka mid ah uu sameeyay xilli-ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular