Chelsea Oo Tallaabo Qaadaysa Si Ay Barcelona Uga Horjoogsato Saxiixa Xiddig Muhiim Ah

Kooxda Chelsea ayaa dar-dar gelinaysa qorshaheeda ku aaddan inay qandaraas cusub ka saxiixato daafaca dhexe ee Levi Colwill, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda Barcelona ay xiisaynayso xiddigan.

Daafacan ka soo baxay akadeemiyadda kooxda ayaa xubin muhiim ah ka ahaa safka Blues sanadihii u dambeeyay. Colwill ayaa marar badan xirtay calaamadda kabtannimada, mana jiro daafac ka tirsan kooxda oo ka daqiiqado badan xilli-ciyaareedkan.

Warbixinno hore ayaa lagu sheegay in kooxda Barcelona, oo haatan wajaheysa dhibaatooyin dhaawacyo oo dhanka daafaca ah, ay doonayso saxiixa xiddigan reer England. Waxaa intaas dheer in wararka qaar ay sheegeen in Chelsea ay diyaar u tahay inay iibiso haddii ay ku hesho lacag u dhexeysa 65 ilaa 75 milyan oo gini, iyadoo kooxda Liverpool ay iyaduna muddo dheer isha ku haysay xaaladdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadaha TEAMtalk iyo Football Insider ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea aysan marnaba doonayn inay iska iibiso Colwill, balse ay qorshaynayso inay ku abaalmariso heshiis cusub oo waqti dheer ah. Inkastoo qandaraaskiisa haatan uu soconayo ilaa sanadka 2029, maamulka Blues ayaa doonaya inay sii dheereeyaan muddadaas si ay gabi ahaanba meesha uga saaraan damaca Barcelona iyo Liverpool.

Chelsea ayaa u aragta Colwill laf-dhabarta mashruuceeda mustaqbalka fog, waxayna qorshaynaysaa inay wada-hadallada qandaraaska cusub ka dhigto mudnaanta koowaad sanadka 2027. Sidoo kale, kooxda ayaa doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixato daafaca kale ee da’da yar, Josh Acheampong, si ay u xoojiso tiirarka daafaca ee kooxda sanadaha soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular